Puntland oo heshiiskii labaad la saxiixatay shirkada DP World

Image
Xasan Cabdullaahi Deni oo uu wakiishay walaalkii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ahaa.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa toddobaadkan magaalada Dubai heshiis ku saabsan balaarinta iyo tayeynta dekedda Boosaaso kula saxeexday shirkadda DP World. Waa heshiiskii labaad ee dekeda tan iyo 2017.

Heshiiska ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Dekedaha Puntland Axmed Yaasiin iyo Madaxa Shirkadda DP World ahna Agaasimaha Maamulka Bariga Dhexe iyo Afrika Suhail Al Banna. Mashruucan ayaa socon doona muddo 12 bilood.

Dadka kale ee goobjoogga ka ahaa heshiiska dekedda Boosaaso ee lagu saxiixay Dubai, UAE waxaa ka mid ah Xasan Cabdullaahi Deni, oo uu wakiishay walaalkii - madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Puntland Saciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM