Puntland oo heshiiskii labaad la saxiixatay shirkada DP World

Image
Xasan Cabdullaahi Deni oo uu wakiishay walaalkii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ahaa.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa toddobaadkan magaalada Dubai heshiis ku saabsan balaarinta iyo tayeynta dekedda Boosaaso kula saxeexday shirkadda DP World. Waa heshiiskii labaad ee dekeda tan iyo 2017.

Heshiiska ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Dekedaha Puntland Axmed Yaasiin iyo Madaxa Shirkadda DP World ahna Agaasimaha Maamulka Bariga Dhexe iyo Afrika Suhail Al Banna. Mashruucan ayaa socon doona muddo 12 bilood.

Dadka kale ee goobjoogga ka ahaa heshiiska dekedda Boosaaso ee lagu saxiixay Dubai, UAE waxaa ka mid ah Xasan Cabdullaahi Deni, oo uu wakiishay walaalkii - madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Puntland Saciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM