Puntland oo iska fogeysay dagaalka magaalada Laascaanood

Image
War-saxafadeedka Madaxtooyada ayaa imaanaya xilli Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland booqasho ku tageen isbitaalka guud ee magaalada Garowe

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa sheegtay in aysan dagaalka Laascaanood qeyb ka aheyn, una dhaxeeya dadka deegaanka oo is difaacaya iyo ciidanka Somaliland oo awood u adeegsanaya.

Maamulka ayaa cambaareeyay ficilada ciidanka Somaliland ee gumaad ah iyo hadalada Madaxda maamulka ee ah in ay dadka SSC yihiin argagixiso, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland.

War-saxafadeedka Madaxwtooyada ayaa imaanaya xilli wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland booqasho ku tageen isbitaalka guud ee magaalada Garowe halkaas oo ay ku booqdeen dhaawac laga keeney magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, Dani ayaa magaalada Garowe ku soo daabuley ciidamo farabadan kuwaas oo raba iney diiwaan-gelinta doorashada golayaasha degaanka ee la isku khilaafsan yahay si qasab ah ku hirgaliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM