Puntland oo ka hadashay dagaalka ka dhex-qarxay Al-Shabaab iyo ISIL

Image
Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

BOOSAASO, Puntland - Dagaal u dhaxeeya maleyshiyaad ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kasoo cusboonaadey bariga Puntland, sidda uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uul ammaan.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu dagaalameyaasha ka kala tirsan labadda kooxood xagjirka ah uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uuxaqiijiyay iska hor-imaadkaasi wallow uu qiray in ay aad u hooseyso xogta laga heli karo.

"Labada kooxood ee xagjirka ah waxay ku wada noolaayeen deegaanka, laakiin waxaad mooddaa inay u dagaalamayaan sidii ay dhulka u maamuli lahaayeen," ayuu yiri Mr Yuusuf.

Mr Yuusuf wuxuu intaas ku daray: "Xaaladdu waxay u muuqataa mid kacsan, laakiin degaanka oo buuralay ah aawadeed, waxaa aad u xaddidan macluumaadka kasoo baxaya".

"Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaarey wali lama xaqiijin karo," ayuu raaciyey sarkaal dhinaca sirdoonka ah.

Xoogaga argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey buuraha Cal-miskaad isla gobolkaas waxay ku dagaalameen dhamaadka sanadkii 2018-kii iyo bilowga xagaagii 2019-kii.

Tan iyo xilligaas, waxaa dhexmartey tacshiirad kooban. Mukhaabaraadka Soomaaliya iyo reer galbeedka ayaa rumeysan in dagaaladaas ay labada kooxood ku waayeen dagaalameyaal iyo horjoogeyaal unugyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM