Puntland oo sharaxdey howlgalada sifeynta argagixisada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga dowlada Puntland ayaa ka warbixiyey howlgal ballaaran oo ciidamadda ammaanka ay ka fuliyeen dhulka buuraleydda ah gaar ahaan nawaaxiga xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka dhawaajiyey in howlgalkaas loogu magacdaray Nadiifinta Aaga Bosaso uu ujeedkiisu yahay ka sifeynta Al-Shabaab iyo Daacish xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga dowlada Puntland.

Gallan oo ka dhawaajiyey in dhaqdhaqaaqyaddaas lagu baacsadey Al-Shabaab iyo Daacish ay ciidamadda kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah ayaa carabka ku dhuftay in ay sidoo kale ku qabsadeen saad iyo agab milatari.

"Intii howlgalada socdeen, ciidanka Puntland waxay khaarijiyeen ajaaniib iyo Soomaali kuwaasoo ku dhuumaaleysanayey aagaga Al-Shabaab iyo Daacish kaga sugan yihiin dhulkeena," ayuu carabka ku adkeeyay.

Wuxuu intaas ku daray: "Goobaha laga xorreeyay cadowga waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haaya ciidamadda ammaanka dowladda Puntland oo ay baaqi kusii ahaan doonto gacantooda".

Inti wareysigu socdey, wasiirka ayaan marnaba soo hadal-qaadin haddii ay jiraan waxyeelo ciidamadda ammaanka Puntland kasoo gaarey howlgaladdaas ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Kooxaha argagixisadda ah ee ka dagaalama Soomaaliya si gaar ah dhulka Puntland ayaa bilooyinkii u dambeeyay wajahay cadaadis ay ku waayeen goobo badan oo ay maamulayeen, waxaana la filayaa in howlgalada sii socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM