Puntland oo "khaarijisay" madaxii howlgalada ee ISIL-Somalia

Image
Abu-baraa Al-Yamani ayaa la sheegay in uu kasoo jeedo gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

GAROWE, Puntland - Taliska Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa Jimcada maanta ah waxa uu sheegay in weerarkii habeen hore lagu qaaday saldhiga Bali-dhidin ee gobalka Bari ay ku dileen, Abu-baraa Al-Yamani.

Al-Yamani ayaa la sheegay in uu ahaa madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari. Al Yamani ayaa ahaa Itooobiyaan kasoo jeeda gobolada Amxaarada ee dalkaas.

Abu-baraa ayaa xilkaan loo magacaabay 11 July 2021 kadib markii la dilay Madaxii booskaas uga horeeyay Abu-waliid al-muhaajir, sida ay sheegeen booliska Puntland.

Ninka la dilay ayaa Booliska Puntland ku tilmaameen "in uu Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish". Kooxda ISIL ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin, Mohamed Ahmed Muumin. Xubnaha ISIL ayaa waxay ku dhuumaaleystaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM