Puntland oo kordhineysa dakhliga shutuutadda ganacsiga

Image
Wasaaradda ganacsigu ayaa ku sameysay isbadallo hormar leh, looma dardar galin lahaa dakhligaas.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland ayaa shir isugu yeeray Isu-duwayaasha Wasaarada Ganacsiga ee Gobolada Puntland.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa waxaa furay Wasiirka  Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dowlada Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo uu wehiliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ganacsiga, ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasime ku xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyada Puntland Abshir Maxamed Abshir, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga shutuutadda ganacsiga oo ay Wasaaradda ganacsigu ka sameeyay isbadallo hormar leh, looma dardar galin lahaa dakhligaas iyadoo la raacayo habraacyada Wasaaraddu dajisay.

Mudadii uu shirku socday ayaa Isu-duwayaashu ku soo gudbiyeen caqabadaha iyo fursadaha hortaagan Kor u qaadida Dhakhliga. Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo laba cisho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM