Puntland oo laga xusay maalinta Musqulaha Aduunka

Image
Image
Image
Image
Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa soo agaasintay munaasabaddan kooban.

GAROWE, Puntland - Waxaa lagu qabtay machadka caafimaadka Xaaji Abdi maalinta musqulaha aduunka oo sanad walba laga xuso aduunka 19- Nov, balse dib udhac ku yinid ayaa shalay galinkii danbe la qabtay.

Xuska maalintaan ayaa loogu talagalay in bulshada loogu wacyigaliyo muhiimada musqulada si badalkeeda looga fogaado in banaanka lagu saxaroodo kaasoo ay ka dhashaan cuduro jeermisku keeno.

Wasaaradda caafimaadka gaar ahaan qaybta Nadaafadda iyo Fayadhawrka ayaa sanadkasta xuskaan qabata, hal ku dhiga sanadkaan ayaa ah “Kuligeen aan muhiimad sare siino isticmaalka Suuliga”

Adan Hassan Adan oo ka socday wasaaradda caafimaadka gaar ahaan qaybta nadaafadda iyo faya dhawrka oo ka hadlay ayaa yiri:-

“Maalinta musqulaha Aduunka waxaa loogu talagalay in la isku baraarujiyo isticmaalka musqulaha halka banaanada lagu saxaroon lahaa, sidoo kale waxa loogu talagalay in lagu wacyigaliyo loona sheego dadka laguna xasuusiyo caafimaad xumada inta badan ka dhasha musqulaha iyo guud ahaan nadaafadda.”

Macalimiinta machadka oo ka hadlay ayaa dhankooda ardayda la wadaagay xusayna muhiimada caafimaad ahaan maalintaan leedahay iyo baraarujinta xanuunada ka dhasha, sidoo kale waxay ardayda fareen inay dadka la wadaagaan dhibaatooyinka ay keento musqulaha iyo jikada la isku dhisayo taasoo keeni karta caafimaad daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM