Maxkamadeyn lagu bilaabay "madaxii" Al-Shabaab ee Mudug
GAALKACYO, Puntland - Ciidamada dowladda Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan guddoomiyihii maleyshiyadda Al-Shabaab ee gobolka Mudug, Maxamed Xaashi Nuur Sabriye, sida ay sheegeen mas'uuliyiin amni.
Cabdiladiif Muuse Nuur [Sanyare], guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaca ka dhigay in Sabriye uu xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida uu xilkaas u hayey tan iyo sanadka markii uu ahaa 2008-dii.
"Wixii dil ahaa ee tan iyo xilligaas ka dhacay gobolkan ee lagu laayey nabadoon, mas'uuliyiin iyo shacaba isaga ayaa afkiisa ka qirtey in uu mas'uul ka ahaa," ayui Sanyare ku yiri shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada Gaalkacyo Axadii shalay.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda ciidamadda Puntland wuxuu kasoo muuqdey hal jeer. Xeer-ilaalinta waxay soojeedisay in isaga iyp kooxdiisa oo illaa shan ka kooban lagu xukumo dil toogasho, wallow qareenadooda ku doodayaan in aysan sameyn wax qalad ah.
Dhanka kale, guddoomiye Sanyare ayaa ganafka ku dhuftey hadalo kasoo yeeray bulshadda uu kasoo jeedo eedeysane Sabriye kaasoo ahaa in uu isaga si shaqsi ah ugu xiran yahay, la dhacay hantidiisa gaarigiisana lagu soo daabulo Kharmo.
"Dhaqan ahaan, Soomaalida waa laga yaabaa in ay aniga igu yaqaanan mooryaanimo. Balse hadda Gaalkacyo ma ahan meel mooryaan maamul ayaa ka jira. Waana wax laga xumaadp in odayaal ay shir jaraa'id qabtaan oo ay luuqadaas isticmaalaan. Wax walba oo ay sheegeen waxay gef ku tahay degaankan," ayuu hoosta ka xariiqay.
Maxkamadda ciidamadda Puntland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay xukuno kala duwan ku ridday rag lagu helay AlShabaabnimo iyo ku lug lahaanshiyaha dilal ka dhacay magaalada Gaalkacy kuwaasoo loo geystay saraakiil amni iyo odayaal.
GAROWE ONLINE