Puntland oo xukuntay shabakad "dishay" boqolaal ruux

Image

GAALKACYO, Puntland - Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 shaqsi oo dhammaantood lagu helay kamid ahaanshiyaha maleyshiyadda Al-Shabaab.

Xeer-beegtadda ayaa si gaar ah waxay Cabdirisaaq Axmed Buraale ugu xukuntay cimriga haku furto ah "maadaama uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dhamaan eedeymaha loosoo jeediyey".

"Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin horjoogayaashii ugu sareeyey ee go'aamin jirey dilalka iyo qarxyada magaalada Galkacyo, 12 kale ayaa ahaa kuwii dilalka fulin jirey," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeerbeegtadda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay xafiiska wararka mareega Garowe Online ee Gaalkacyo.

Shabakadan oo lagu waramay in ay xarunta gobolka Mudug ka howlgaleysay tan iyo 2002-dii ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen dilalka in ka badan 300 ruux kuwaasoo isugu jiray mas'uuliyiin iyo rayid.

Saddexdii todobaad ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga xukun racfaan qaadasho ahaa, iyaddoo maanta ay ku dhawaaqdey go'aanka ay ka qaadatay gal-dacwadeedkan.

Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha, waxaana ay sheegayeen in caddeymaha aysan ahayn kuwa ku filan.

Amaanka magaaladda Gaalkacyo ayaa guud ahaan waxaa gacan bir ah ku haya ciidamadda kala duwan ee dowladda Puntland mudadii ay socotay maxkamadeynta si ay uga hortagaan isku day arbushaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM