Puntland oo "soo afjartay" muuqaal-duube ka tirsanaa ISIL

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliska ciidamadda gaarka ah ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen dagaalameyaal ka tirsanaa kooxda la magac-baxdey dowladda Islaamka ama Daacish.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska PSF-ta laguna faafiyey ciwaanka ay ku leeyihiin baraha bulshadda ayaa lagu sheegay in xubnahaas uu kamid yahay muuqaal-duube aysan shaacin magaciisa.

Muuqaal-duubahaas ayaa, sida ku xusan warka qoraalka ah, wuxuu dhowaan ahaa maskaxdii ka dambeysay filimkii lagu faafiyey baraha bulshada ee muujiyey askar Puntland oo la qarxinayo.

"Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka waxaa la raaciyey: "Xubnahan ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor hadana laguna baahiyey barta Internetka".

"Maantay wuxuu doonayey sidaas si la mid ah inuu doobo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Difaaca Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee taliska ciidamadda PSF-ta.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa si dhuumaaleysi ah waxay uga howlgalaan degaanadda buuraleyda ah ee Puntland, hase ahaatee, ciidanka Puntland waxay xoojiyeen howlgaladda ay ku dabar-goynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM