Puntland: Urur Siyaasadeedyo ka digay doorasho hal dhinac ah

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayay ku eedeeyeen in uu soo saarey warqad baalmarsan dastuurka.

GAROWE, Puntland - War-saxaafadeed kasoo baxay afar Wrurada Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay in ay sharciga baal marsan tahay warqadii aan saxiixa la socon ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni faafiyey 26-kii bishan.

Warqadaas ayay ku tilmaameen "marin-habaabin bulsho, isku-day jid ku baneysi doorasho hal dhinac ah iyo dastuur ku tumasho" waxaana ay ka digeen qabashada doorasho hal dhinac ah.

Horseed, Mideeye, Dhalinyaradda iyo Shaqaalaha ayaa xusay warqadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka Puntland, sharciga doorashooyinka iyo madax banaanida guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka TPEC.

Doorashada ayay carabka ku adkeeyeen in aysan u baahnayn damaanad-shakhsi ah ee ay u baahan tahay damaanad sharci iyo sal dastuur, "taasi oo ku cad qodobka 43aad faqradiisa 8aad.

Qodobkaas ayaa waxa uu xeerinayaa "inta aan la galin doorasho dimuqraadi ah waa in la helaa sharci u gaar ah oo lagu hagayo wax kasta oo ku saabsan doorasho dimuqraadi ah".

Sidoo kale, ururka xukuumadda ee KAAH ayay ku eedeeyeen in uu ku tuntay dastuurka Puntland una adeegsanayo xoolihii umadda ka dhaxeeyay iyo gaadiidkii dowladda danahooda gaarka ah.

Talaabadan ayay xuseen in ay jabinayso qodobka 45aad faqradiisa 6aad oo u qoran "hantida dowlada looma isticmaali karo dano urur gaar ah" iyo faqrada 7aad oo u dhigan "qofkii lagu helo in uu isticmaalay hantida dowlada dano xisbi ama urur waxaa horgaynayaa Maxkamad"

Doorasho si xun loo qorsheeyay dowladuna si jujuub ah ku maamusho ayay ka digeen in ay keeni karto xasilooni darro waxaana ay ku waaniyeen madaxwayne Deni in uu ka baaqsado.

Baaqa ah in shirwayne ay isugu yimaadaan ururada siyaasadda, xukuumadda iyo golaha wakiilada ayay mar kale soo jeediyeen si looga tashado si xal waara oo la isla ogol-yahay looga gaaro arrimaha murugsan ee ku xeeran doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA URURADDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM