Puntland: Ururada siyaasada oo loo qoondeeyay $90k

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah sheegtay in ay 90-kun oo Doolar u qoondeysay 9-ka urur siyaasadeed ee uu diiwaan-geliyey Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Tani ayaa waxay la macno tahay in ururkiiba uu helayo aduun lacageed dhan $10-kun doolar si loo dardargeliyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Puntland oo qorshuhu yahay in Oktoobar 2021 ay ka bilaabato doorashooyinka goleyaasha degaanka ayaa isu-diyaarineysa in ay ka gudubto nidaamka awood qeybsiga beelaha.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo maanta daahfuray diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha kuna dhawaaqay lacagta, aya kalsooni ka muujiyey si nabad ah kusoo idlaato shaqada.

Karaash oo hadalkeeda sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda madaxwayne Deni ay ka go'an tahay in ay ka dhabeyso balanqaadkeeda in doorashada soo aadan ee Puntland ay noqoto qof iyo cod.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u daabacay faallo ku saabsan in ururada siyaasada ay caqabad kala kulmayaan shacabka gaar ahaan bixinta qaaraanka xubinimo una baahan yahay taageerada dowlada.

Taageero siyaasi ah iyo mid dhaqaale oo dowladda ay ku garab-istaagto ururada siyaasada ayaa udub-dhaxaad u noqon kareysa in uu guuleysto barnaamijkan oo sidoo kale fursad u ah guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM