Puntland: Xabad joojin laga sameeyay colaada Saax-meygaag

Image
Image
Image
Image
Shirka nabadeyn ah ayaa la filayaa in maalinta berrito ah uu ka qabsoomay degaankaas.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin Kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, Kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM