Puntland: Xabad joojin laga sameeyay colaada Saax-meygaag

Image
Image
Image
Image
Shirka nabadeyn ah ayaa la filayaa in maalinta berrito ah uu ka qabsoomay degaankaas.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin Kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, Kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM