Saciid Cabdullaahi Deni oo bilaabay kala qeybinta bulshadda SSC
GAROWE, Puntland – Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen ee Puntland ayaa qaadey talaabooyin uu ku doonayo in uu ku kala qeybiyo bulshadda SSC, sidda ay qabaan dadka sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqiisa.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hab-dhaqankan oo kale waxa uu isku-dayay in u uku maareeyo gadoodka siyaasadeed ee uu kala kulmay damaciisa muddo kororsiga iyo doorashooyinka hal qof iyo cod ee degaanadda Puntland.
Kala jabintan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin xeel-dheereyaasha, waxa uu Deni ku beegsadey siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka la baxay jamaahiirta ee soo shaac-baxay kadib markii uu bilowday dagaalka Laascaanood.
"Deni ayaa markii mudaneyaasha federaalka ay xafladda 1-da Luulyo kaga qeyb-galeen Laascaanood waxa uu ka dhinac-abaabulay munaasabad kale, waana caddeynta faragelintiisa," ayuu yiri mid kamid ah dhowr oo indheer-garadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Deni uu dhaqaale ku bixiyey qabsoomida xafladaas labaad halka madaafiic ay xarunta gobolka Sool kusoo dhaceen waqtiga ay socotey munaasabadda ay xaadireen mudaneyaasha heerka federaal.
"Qorshaha Deni uu ku dhex-galay wax-garadka gobolka waxaa qeyb ka ah in uu doonayo booqashadda jiidda hore ee dagaalka Laascaanood si uu halkaas uga sameysto olole doorasho," ayay raaciyeen illo wareedyadda la hadlay GO.
Dhanka kale, madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash] ayaa ciwaankiisa Facebook-ga waxa uu soo dhigay qoraal buuq dhaliyey. Lama ogga ujeedada uu ka leeyahay. Karaash ayaa haatan ku maqan xajka.
Qoraalkaas ayaa waxa uu kusoo hagaagay xilli guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, uu Garowe kaga qeyb-galay xafladda 1-da Luulyo halkaas oo uu ka jeediyay khudbad hadal-heyn xooggan abuurtey.
Deni ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay damaciisa ku aadan in uu xukunka baaqi kusii ahaado iyo hirgelinta hanaan dimuqraadiyad oo hal dhinac ah taas oo si weyn uga hor-yimaadeen dadka, saamileyda iyo saaxiibada caalamka.
GAROWE ONLINE