Saciid Deni iyo ergayga Qaramada Midoobay oo ku kulmay Garowe

Image
Socdaalka Laing ee Garowe ayaa yimid xilli uusan hagaagsaneyn xiriirka hogaanka Puntland iyo madaxda dowladda federaalka.

GAROWE, Puntland - Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Laing oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagtay Garowe, ayaa wadahadal la yeelatay madaxwayne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash.

Wadaxaajoodka ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska UN-ka ee Muqdisho, waxaa diirada lagu saarey doorashooyinka, arrimaha bini’aadantinimada, dowlad dhiska iyo taageerada UN-ka.

"Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta booqatay magaalada Garoowe halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha la shaqeeya oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan dhacay, baahiyaha bini'aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas la raaciyey: "Ayadoo ka hadlaysay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay Puntland, ayay Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing shirkeeda jaraa’id ee Garoowe ugu hambalyaysay dadka Dawlad Goboleedka Puntalnd".

"Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya," ayay Laing u sheegtay wariyeyaasha.

Doorashooyinka toos ah ee ka dhacay Puntland ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed iyo is-qabqabsi ku saabsan in uusan daahfurneyn hanaanka loo marayo qabashadda coddeynta.

Socdaalka Laing ee Garowe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli uusan hagaagsaneyn cilaaqaadka u dhaxeeya Deni iyo madaxda dowladda federaalka kaasoo si weyn hoos ugu dhacay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM