Saciid Deni oo bilaabay dhaqan aan horey uga jirin Puntland

Image
Puntland oo ay haatan ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta hubeysan ee lagu muran-san yahay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa mudooyinkaan u guuray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari halkaasi oo uu xarun ka dhigtay.

Puntland oo ay haatan ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta hubeysan ee lagu muran-san yahay ayaa madaxweynuhu ka maamulayaa taliska ciidamada badda Puntland ee PMPF oo uu xarun ka dhigtay.

Degmada Caluula ee gobalka Bari ayuu madaxweynuhu ku tagay booqasho iyada oo uusan gobalka arkin intii uu hogaanka Puntland hayay xilli go'doon yihiin wadooyinka gobalkaasi taga isla markaana aysan fulin balanqaadyo xukuumadiisu ay horey u samaysay.

Wadada Lafo-gorey oo ahayd mida kale ee gobalkaasi loo maro ayay jareen daadadkii kal hore Puntland ka dhacay waxaana ay taasi keentay in marinka kaliya ee gobalkaasi uu yahay hawada iyada oo Deni uu ku tagay diyaarad degmada Caluula.

Maanta ayuu madaxweynuhu tagay degmada Xaafuun ee gobalka Bari isaga oo sidoo kale halkaasi ku tagay diyaarad waxaana la is waydiinayaa sababta Puntland oo caan ku ahayd nabad iyo is dhex gal bulsho ay ku timid in degmooyinka isku dhaw diyaarad looga kala safro.

Mid kamid ah xeeldheerayaasha dhaqaalaha oo aan waydiinay ayaa ku jawaabay '"Tani waxay keenaysaa in su'aal la iska waydiiyo sababta canshuurta muwaadiniinta loogu isticmaalayo in degmooyin isku dhaw diyaarad loo kala kiraysto hadii aanay jirin duruufo amni oo dhab ah''.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM