Shirar ka socda Boosaaso xilli dhawaan la mamnuucay

Image
Gudoomiyaha gobalka Bari uu soo saaray warqad uu ku mamnuucayo in hotelada Boosaaso aan lagu qaban karin shirar aan iyaga lasoo war-gelin.

BOOSAASO, Puntland - Siyaasiyiinta ku bahoobay madasha siyaasadda Puntland oo dhawaan Garowe war-saxaafadeed ay kasoo saareen ku baaqay in doorashadda Puntland wakhtigeeda ku dhacdo isla markaana barnaamijka Dimuqraadiyeynta laga leexiyay dhabihii saxda ahaa ayaa shirar siyaasadeedyo ka bilaabay Boosaaso.

Xubnahaan oo dhawaan gaaray Boosaaso ayaa kulamo la qaatay Isimada Puntland ee ku sugan Boosaaso oo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Hassan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Mohamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi, Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad iyo Beeldaaje Cali Faarax.

Isimada oo qaybtood yihiin aas-aasayaashii Puntland ayay kala hadleen xaalka Puntland iyaga oo aan wax faah-faahin ah warbaahinta ka siin arimaha ay isla soo qaadeen marka laga soo tago sawirada kulamada oo la baahiyay.

Sidoo kale xubnaha madasha siyaasadda Puntland ayaa kulamo la qaatay dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ku midaysan yihiin ee PUNSAA, iyada oo kulanka PUNSAA imaanayo saacado uun kadib markii PUNSAA ay ka digtay daabulka barakacayaasha.

Xogo GO heshay waxay sheegayaan in xubno xukuumadda ka tirsan ay ka shaqaynayaan in lagu buuxiyo diiwaan-gelinta ururada siyaasada qaybtood ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah oo dano muddo kororsi xambaarsan laga leeyahay.

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ayaa wararka madaxa banaan ee warbaahintu helayso waxay sheegayaan in aysan usoo bixin dadwaynuhu kadib markii ay qaadaceen ururada Horseed, Mideeye, Dhalinyarada iyo ururka shaqaalaha oo ku eedeeyay xukuumadda iyo guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka ay kala qaybiyeen.

Kulan gooni ah oo ay xubnaha madasha siyaasadda Puntland la qaateen guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaan isna wax faah-faahin ah warbaahinta laga siin waxaana la is waydiinayaa sababta uusan guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka dhag jalaq ugu siin soo talooyinka ka imaanaya ururada siyaasadda iyo waxgaradka Puntland ee ku aadan doorasho aan la isla ogolayn.

Odayaasha iyo nabadoonada gobalka Bari ayay xubnaha siyaasadda Puntland kulamo dhawr mar ah la qaateen iyaga oo shirwayne maanta la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha Boosaaso waxaana la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan xubnaha madasha marka ay usoo dhamaadaan kulamadoodu .

Saciid Deni oo ku jira sanadkii u danbeeyay muddo xileedkiisa oo aan horey looga baran inuu dhagaysto soo jeedimaha ayaa la ogayn sida uu uga fal-celin doono kulamadaan xilli dhawaan gudoomiyaha gobalka Bari uu soo saaray warqad uu ku mamnuucayo in hotelada Boosaaso aan lagu qaban karin shirar aan iyaga lasoo war-gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM