Xeer-ilaaliyaha Puntland oo ku milmay is-qabqabsiga siyaasadeed

Image
Xeer-ilaalinta ayaa amarkan soo saartey xilli siyaasiyiin horey uga digeen in Deni uusan lahayn dhaqan dimuqraadiyadeed.

GAROWE, Puntland - Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay amartey in lasoo xiro siyaasiyiin ka aragti duwan madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni.

Magacyadda xubnahan ayaa kala ah; Khadar Cabdiraxmaan Maxamed [Faroole], Xasan Shire Cabdi Abgaal, Maxamuud Faarax Warsame Shido iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Axmed Yusuf Taaraan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland, ayaa ku dhawaaqay go'aankan xilli uu u muuqdo mid ku dhex-milmay is-qabqabsiga siyaasadeed ee taagan.

Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa horey u diidey baarlamaanka Puntland inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland mana haysto ansaxinta Aqalka Wakiilada.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli siyaasiyiin ay horey u sheegeen in Deni uusan lahayn hab-dhaqan dimuqraadiyadeed ayna ka digeen in la siyaasadeedyo hay'adaha dowliga ah.

Madasha Siyaasadda Puntland oo shir ku yeelatay magaalada Garowe labadii maalmood lasoo dhaafay ayaa soo saartey baaq ku wajahan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedkan.

Baaqan ayaa waxa uu isugu jiraa fariimo ku wajahan madaxweynaha waqtigu ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni, guddoonka Golaha Wakiiladda, dadweynaha, Isimada, hay'adaha ammaanka iyo Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisey isku-dhaca hubeysan ee ka dhashay geedi-socodka lagu muransan yahay ee dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ku baaqday in saamileyda ay wadahadal ku xaliyaan kala aragti-duwanaanta taagan.

"Rabshaddo xal maaha," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamka. Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli Madasha Siyaasadda Puntland ay soo jeedisay hakinta doorashada khilaafka hareeyay iyo wadaxaajood dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM