Soomaaliya: Dilalkii magaalada Galkacayo oo dib u soo noqdey

Image

GALKACAYO | Magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa shalay waabarigii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland kana mid ahaa masuuliyiinti lagu aas-aasay.

Cabdulaahi Khaliif Maxamed oo ahaa khasnajiga wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobalka Mudug ayaa la dilay isaga oo kasoo baxay salaada subax masjidka Faaruuq ee magaalada Galkacyo iyada oo lala dhaawacay nin oo kale oo isna masjidka kala soo baxay.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiishi lagu aas-aasay qaybta gobalka mudug ee wasaaradda maaliyada Puntland waxaana uu la shaqo bilaabay aas-aaskii Puntland.

Dilalka qorsheysan oo ay fuliyaan koox s Al-Shabaab ayaa ahaa kuwo uu gobalka Mudug ka nastay in muddo ah balse haatan waxaa ay u muuqdaan kuwo soo laabtay.

Xukuumada Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in ay hay'adihii amaanka u isticmaalayso siyaasadda isla markaana ay ku waardiyaynayso agabka diiwaan-gelinta ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu muran-san yahay .

Agabka diiwaan-gelinta ayaa la arkaa iyada oo gobalada Puntland loo kala safrinayo xilli habeenimo ah iyada oo ay galbinayaan ciidamo iyo gaadiid kuwaasi oo ururada siyaasadda ee Puntland ay ku tilmaameen in ay tahay mid hubeysan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM