Soomaaliya: Kulamo socda iyo xaalka Garowe

Image

(GO) - Magaalada Garowe caasimada dowlada Puntland ayaa dagan kadib markii ay soo shaac baxeen habeenkii xalay ahaa in dadwaynaha qayb ka qaxeen xaafadahooda.

Ciidamada Kumaandoosta Puntland ee Danab ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay dhankooda in aanay wax dhaq-dhaqaaq ah ka jirin iyaga oo fariin u diray kuwa ay ugu yeereen " kuwa wali u xiisa qaba in xalka dhiilada lagu raadiyo".

Dhankiisa Gudoomiyaha gobalka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay dadwaynaha in ay is dajiyaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa kulamo dhawr ah la qaatay madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga hareen, Siciid Cabdulaahi Deni iyada oo warar soo baxaya sheegayaan in caawana ay kulan u balan san yihiin.

Kulamadaan ayaa sida wararka sheegayaan waxaa ay daaran yihiin sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Dhowaan ayaa waxaa baaqdey kulan la filayey in Issimada Puntland ku qabtaan magaalada Garowe. 

Xukuumada Siiciid Dani ayaan aqoonsaneyn doorka Issmimada ku leeyihiin Puntland iyadoo dhowaan Wasiirkiisa warfaafinta sheegey in odey dhaqameedka Puntland wax door ah ku laheyn arimaha siyaasadeed islamrkaana yihiin Janaaso la tukadey.

Deni oo aan ka tacsiyayn ilaa hadda dadkii ku geeriyooday dagaalkii Garowe ka dhacay ayaa dadka falanqeeya xaaladdu waxaa ay ku tilmaameen mid aan wali la hadlin shacabka Puntland isla markaana u sheegin halka la aadi doono.

Gudoomiyihii hore ee guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo dhawaan Garowe ka hadlay ayaa usoo jeediyay madaxweyne Deni" Dhawr mar oo aad talada lahayd ayay gacantaada ka baxday ee yaysan maanta ka bixin gacantaada".

Golaha wakiilada ee Puntland oo iyagu ku foogan furista Dastuurka oo khilaafka sal u ah ayaa la rumeysan yahay in Gudoomiye, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu madaxweyne Deni kula jaal yahay muddo kororsiga.

Guddoomiye Jibriil ayaa maalmihii la soo dhaafey ku soo qorayey bartiisa Facebook qodobo ka hadlaya dastuurka Puntland taasoo dad badan u fasirteen inuu aad ugu dhexmilan yahay khilaafka siyaasadeed ee Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM