Taliye ku xigeenkii PSF oo ku biiray garabka dowlada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Ilig ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baalmarsantahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

BOOSAASO, Puntland - Taliye ku xigeenkii Guud ee Ciidanka PSF ee Puntland G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig ayaa wuxuu ku biiray ciidamada dowladda, sida ay kuwa warameen warar loo qaateen ah.

Ilig oo ay wehliyeen tobanaan kamid ah ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baalmarsantahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

Sida wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan, waxaa jira ciidamo ka baxaya xarunta PSF ee Bosaso halkaas oo uu ku sugan yahay Agaasimaha xilka laga qaadey ee hay’adda.

Dhanka kale, Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Boosaaso oo ah caasimadda ganacsiga Puntland ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxeen Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen.

Talaabadan walwalka badan abuurtey ayaa waxay kusoo hagaagtey iyadoo kuwa dowladda ka amar-qaata ay isku dayayeen inay dhaqan-geliyaan digreetada Madaxweyne Deni.

Waxaa jiray baaqyo kala duwan oo qeybaha Bulshadda ka imaanaya oo ku aadan in laga baaqsado dagaal ka dhaca Boosaas, oo wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira si uusan cadowga uga faa'iideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM