Taliye ku xigeenkii PSF oo ku biiray garabka dowlada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Ilig ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baalmarsantahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

BOOSAASO, Puntland - Taliye ku xigeenkii Guud ee Ciidanka PSF ee Puntland G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig ayaa wuxuu ku biiray ciidamada dowladda, sida ay kuwa warameen warar loo qaateen ah.

Ilig oo ay wehliyeen tobanaan kamid ah ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baalmarsantahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

Sida wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan, waxaa jira ciidamo ka baxaya xarunta PSF ee Bosaso halkaas oo uu ku sugan yahay Agaasimaha xilka laga qaadey ee hay’adda.

Dhanka kale, Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Boosaaso oo ah caasimadda ganacsiga Puntland ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxeen Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen.

Talaabadan walwalka badan abuurtey ayaa waxay kusoo hagaagtey iyadoo kuwa dowladda ka amar-qaata ay isku dayayeen inay dhaqan-geliyaan digreetada Madaxweyne Deni.

Waxaa jiray baaqyo kala duwan oo qeybaha Bulshadda ka imaanaya oo ku aadan in laga baaqsado dagaal ka dhaca Boosaas, oo wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira si uusan cadowga uga faa'iideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM