TPEC oo diiradda saareysa taakulada dalalka caalamka

Image
Image
Image
Madaxda guddiga ayaa Switzerland kula kulmay hogaanka hay’adaha Interpeace, Kofi Annan iyo madax kale.

GAROWE, Puntland - Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulamo kula yeeshay madaxda hay’adaha Interpeace, Kofi Annan iyo madax kale.

Kulamada Guddiga ayaa imaanaya xilli Ururo muhiim u ah horey u socoshada doorashada  ku tilmaameen doorashadii ka dhacdey Sadexda Degmo Ufeyn, Qardho iyo Eyl mid la musuqmaasuqey Islamarkanaa TPEC ku guuldareystey iney ka hortagto.

Dhinaca kale mid kamid ah ururadii la shegeey iney kuraasta ay heleen awood u siineyso in golaha degaanka Qardho iyo Ufeyn wax ka dhisaan ayaa xubno kamid ah u xiran yihiin  ku lug yeelashada arimaha xil ka qaadista lagu sameeyey Agaasimaha hay’adda PSF.

TPEC oo mas'uul ka ah geedi-socodka Puntland ugu gudbeyso dimuqraadiyada ayaa ka aamusan arimaha soo kordhey iyaga oo aan sheegin waxaa uu ka qabo xeerka doorashada Puntland.

Guddiga ayaa lagu eedeeyay inuu diirada saaro inuu taageero ka raadsho dalalka dhaqaalaha ku bixinaya barnaamijkaan. Balse indhaha iyo dhagaha ka fureysta in doorashadu noqoto mid xalaal ah.

HOOS KA AKHRISO NATIIJADA KULANKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM