Ururada Siyaasadda maamulka Puntland oo ku baaqay shirwayne

Image
Madaxwayne Deni ayay ku eedeeyeen in uu ka leexdey dhabaihii dimuqraadiyadda.

GAROWE, Puntland - Ururada siyaasadda Puntland ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata doorasho aan hufnayn oo Puntland ka dhacda uu Deni qaadanayo, iyaga oo sidoo kale TPEC ku tilmaamay mid aan dhex-dhexaad ahayn.

Dhanka kale, waxay ku eedeeyeen Deni in uu ku hawlan yahay kala qaybinta ururada isaga oo kula wareegaya "gacan wasakh leh waa" sida ay hadalka u dhigeen.

Daahir Xaaji Khaliif, gudoomiyaha ururka Mideeye, ayaa sheegay "8-da January waa in doorasho dhacdaa, TPEC dhex-dhexaad ma ahan, Puntland-na ku darsi ma qaadi karto"

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah hogaanka ururka Horseed ayaa tibaaxay "Deni arintaan daacad kama ahan, anagu waxaan rabnaa 11 kaan qodob in uu fuliyo".

Maxamed Cabdi Daahir, xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha ayaa caddeeyay "Gudoomiyaha TPEC wuxuu doonayaa in uu gudoomiyaha barlamaanka noqdo, maxkamad ayaan la tiigsanaynaa , waana u dhimanaynaa dimuqraadiyadda".

Asad Cabdul Shire, oo kamid ah masuuliyiinta ururka dhalinyarada, ayaa ku nuux-nuux-sadey "Deni labo qodob ma ahane, intii kale waa diiday, doorashaddii Eyl oo kale ma rabno".

Puntland ayaa galaysa mar-xalad siyaasadeed iyo xaalad kala guur ah bilooyinka soo aadan iyadda oo baarlamaanka uu bilooyin kadib guda galayo kal-fadhigiisii ugu dambeeyay taasoo ka dhigan in loo diyaar-garoobayo doorashooyin.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA URURADDA

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM