Ururka Mideeye oo ka hadlay 23-ka xubnood ee ka baxay

Image

GAROWE, Puntland - Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa Axada maanta ah wuxuu si rasmi ah u aqbalay 23-ka xubnood ee ka baxay golaha dhexe ee ururkaas, sidda ku xusan war qoraal ah oo uu soo saarey.

War-saxaafadeedkan ku taariikheysan 11-ka July, 2021 ayuu ku shaaciyey in talaabadan ka dambeysay markii la xalin waayey tabasho ay ka muujiyeen go'aano ururku qaatay.

Sida ku xusan warqaddan, khilaafka oo taagan muddo 10-bilood ah ayaa ka dhashay kadib markii ururka uu soo dhaweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay wadahadaladdii Dhuusamareeb 3.

Balse, laguma soo hadal-qaadin shirka uu faray guddiga ku meelgaarka doorashooyinka Puntland kaasoo war-saxaafadeed uu soo saarey ku caddeeyay in uu goobjoog ka noqon doono kulankaas.

Bayaanka TPEC oo GO u xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah waxaa qeyb ka ahaa go'aano la xiriira is-mari-waagan sababay in ururka ay isaga baxaan 23 siyaasi oo kamid ahaa kuwa aas-aasay ururkaas.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1) In golaha dhexe ee ururka uu yeesho fadhigisii caadiga ahaa kahor 27-da bisha July, 2021 xilligaas oo laga joogo hal sano kahor kulan sanadeedkii hore ee golaha dhexe

2) In ajandaha kulanka lagu darro; dhismaha guddiyadda dhiman, warbixinta waxqabadka guddiga fulinta, iyo saxiixida, bedelida ama diidmadda warbixinta waxqabadka.

3) In guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland uu goobjoog ka noqonayo kulanka si uu u xaqiijiyo habsami u socodka shirka iyo sida loo maareeyo qodobadda kor ku xusan

War-saxaafadeedka oo uu saxiixay guddoomiyaha ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay in guddiga TPEC uu go'aanadan awood u siinayaan xeerarka doorashooyinka dowlada Puntland iyo kan urur siyaasadeedka.

Hoos ka akhriso qoraalka Mideeye

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM