Wasiirka warfaafinta Puntland oo warbixin laga dhageystay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland -  Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,  Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,  Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL Mudane, Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde) oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane, Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Eng. Maxamed Ciise ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su'aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka, Wasiir ku xigeenka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha  kala duwan ee Wasaaradda si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka Puntland u hayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay'adaha fulinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM