Wasiirka warfaafinta Puntland oo warbixin laga dhageystay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland -  Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,  Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,  Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL Mudane, Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde) oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane, Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Eng. Maxamed Ciise ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su'aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka, Wasiir ku xigeenka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha  kala duwan ee Wasaaradda si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka Puntland u hayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay'adaha fulinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM