Xaaladda Boosaaso kadib qoraalkii Madaxtooyada Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Waxaa magaalada Bosaso ayaa sida kale degan caawa marka laga reebo dhaqdhaqaaq ciidamo oo ka jira agagarka Madaxtooyada Puntland iyo dadweyne ka baxay xaafadaha ka ag dhow yihiin xarumaha Madaxtooyada iyo PSF.

Tan iyo intii ay soo baxdey qoraalkii Madaxtooyada Puntland ku diidey go'aankii qaar ka tirsan issimada Puntland ayaa waxaa kordhey cabsida laga qabo in dowladda Puntland xiisadda taagan talaabo ciidan ku xaliso.

Wararka ugu dambeeyey Garowe Online helo ayaa shegeeya in caawa xubno isugu jira siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda gobolka Karkaar ka codsadeen Madaxweynaha Puntland iney dhexdhexaadin sameeyaan iyadoo uu ka aqbaley.

Lama xaqiijin iney ogolaansho ka haystaan xubnahan dhexdhexeedinta bilaabey dhinaca Agaasimhii hore ee hay'adda PSF.

"Waxaa jirta in amar ka dambeys ah uu madaxweynaha siiyey saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan Boosaaso balse codsi ka yimid siyaasiyiin iyo ganacsato u badan reer Karkaar ayaa sababtey in amar dambe la siiyey ciidanka." Sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal diidey in aan magaciisa xusno xaaladaha jira Awgeed. 

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa bishii hore xil ka qaadis uu ku sameeyey Agaasimihii hay'adda PSF ayaa sababtey in ciidamo dowlada ah lagu soo daadgureeyo xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM