Puntland: Cabdirashiid oo sameystay awoodo dheeri ah
GAROWE, Puntland - Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay Fadhiga 10-aad ee ka tirsan Kalfadhiga 48-aad ee baarlamaanka maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, ku xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa guddoomiyey.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay golaha.
Wax-ka-bedelkaas waxaa, sida ku cad bayaanka lagu faafiyey Facebook, Golaha u soo gudbiyey Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, Soojeedinta baarlamaanka dowladda Puntland.
Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ayaa waxaa la sheegay inay oggolaadeen 38 Xildhibaan, waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.
Nuxurka wax ka bedelka xeer-hoosaadka
1) In haddii wax laga bedelayo xeer-hoosaadka kaliya loo baahan yahay codka 44 Xildhibaan
2) In haddii xasaanada laga qaadayo Xildhibaano loo baahan yahay codadka 44 mudane
3) In haddii guddoomiyaha xilka laga qaadayo loo baahan yahay codadka 44 sharci-dejiyeyaal
Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay xukuumada iyo daneeyayaasha kale oo ay ku jiraan ururadda siyaasadda.
Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabada daahfurka mashruuca IFIYE Foundation, oo si hordhac ah loogu bilaabayo dhismaha Xarunta Computer-Labka dugsiga sare ee Gambool.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Xassan, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen ahna madaxa Mashruuca waxbarashada ee Ifiye, Wasiiro katirsan Golaha Wakiillada, Wasiirro, qurbojoog iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.
Mashruucan oo la bilaabay bishii Maarso ee sanadkii hore 2020 ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda iyo qurbajoogta Puntland, isagoo xooga xoogga saarayaa in Kambiyuutaro loo soo iibiyo Ardayda 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.
Cismaan ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Puntland iyo qurbajoogta gacanta ka geysanaysa, isagoo ku booriyey in laga qayb qatao barnamaijyada kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland.
GAROWE ONLINE