Xiisada siyaasadda Puntland oo isku-rogtey gacan-ka-hadal

Image
Illaa haatan, ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku nafwaayay mid kalana wuu ku dhaawacmay is-rasaaseynta.

GAROWE, Puntland - Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo askar kale oo taabacsan mucaaradka ayaa Talaadada maanta ah waxa uu ka qarxay magaalada Garowe.

Isku-dhacan ayaa kusoo beegmaya daqiiqado kadib markii Xildhibaanadda baarlamaanka ay ogolaadeen in laga doodo furista dastuurka taasoo qeyb ah arrimaha ay ka gadoodeen ciidanka.

Illaa haatan, ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku nafwaayay mid kalana wuu ku dhaawacmay is-rasaaseynta. Warbixinada qaar ayaa dhaawaca gaarsiinaya illaa tobban ruux.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay agagaarka xarunta baarlamaanka halkaas oo ciidamadda ay isku-dhaafsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Fahfaahino kale oo laga helay illo madax-banaan waxay xaqiijinayaan in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu xalay ku hoydey xero ciidan oo lagu magacaabo 54-aad kuna taala Garowe.

Gacan ka hadalkan ayaa ah natiijo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka. Deni iyo mucaaradkiisa ayaa isku-maan-dhaafsan doorashada madaxtinimada oo dhaceysa Janaay, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM