Xukuumada Deni oo lagu eedeeyay "soo nooleynta" qabyaalada

Image
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulamadii ay ka samaysay goboladda Bari, Karkaar iyo Gaardafuu.

GAROWE, Puntland - Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulamadii ay ka samaysay goboladda Bari, Karkaar iyo Gaardafuu mudadii u dhaxeysay 12-17 bishaan Janaayo, 2023.

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ayay madashu sheegeen in bulshada gobaladaas ay iska diideen iyaga oo walaac ka muujiyay dano muddo kororsi oo ay xambaarsantahay.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayay ku eedeeyeen in uu hareer maray habraacyadii doorashooyinka iyaga oo ku tilmaamay diiwaan-gelinta "mid aan loo dhamayn oo uu khilaaf hareeyay".

Xukuumadda Deni ayay tibaaxeen in ay soo noolaysay qabyaaladda iyo qabiilka iyada oo kusoo aadayso eedayntu xilli xukuumadda Puntland ay dhawaanahan ku hawlanayd qabashada kulamo ay beeluhu si gaar-gaar ah ugu taageerayaan hanaankaan.

Barakacayaasha ayay madashu ku celisay markale in xuquuqdooda lagu tuntay iyada oo sheegtay in arintaasi uu hormuud u yahay ururka ''KAAH'' ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Muddo kororsiga, sidda ay sheegeen, in ay damacsan tahay xukuumadda Deni ayay madashu ku baaqday in ay joojiso marin habaabinta shacabka iyo takri-falka dhaqaalaha shacabka.

Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bulshadda Puntland ayay cod dheer ugu baaqeen mas'uuliyiinta madashu in laga hortago hubanti la'aan siyaasadeed oo Puntland ka dhacda si loo gaaro damac shakhsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM