Yaa hurinaya Xiisadda Boosaaso?

Image

BOOSAASO, Puntland - Gudiga Amniga Gobolka Bari, ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay kaalin ku leedahay xiisadda ka taagan Boosaaso, iyadoo isku dayaysa inay xasilooni darro ka abuurta Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Yuusuf Axmed [Abwaan], oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Amniga, ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in laga billaabayo magaaladda howlgal lagula dagaalamayo cadowga Puntland.

Wuxuu Gudoomiyaha intaasi ku darey inay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqa shaqsiyaad gacan-saar la leh Villa Somalia oo hurinaya xiisadda Boosaaso, iyagoo doonaya inuu dagaal ka dhaco, oo xaaladda faraha dowladda Puntland ka baxdo.

"Ciidamada amniga waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo wada falal lidi ku ah amniga iyo kuwa dowladda Federaalka maalgelisay ee qal-qal gelinta kawada Boosaaso," ayuu yiri Abwaan.

Waxa uu Abwaan ugu baaqey shacabka inay ka feejignaanaadaan kuwa kicinta wada, ee dadka guryahaha ku garaacaya, ee kula talinaya inay guryahooda ka cararaan, iyadoo ku cabsi-gelinaya in dagaal uu ka dhacayo magaaladda.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhanka baraha bulshadda ah lagu soo qaadey Puntland, oo lagu doonayo in wax loogu dhimo xasiloonida siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta Maamulka.

Abwaan ayaa xusay in xaaladda Boosaaso ay degan tahay, islamarkaana murankii ka taagnaa hogaanka PSF-ta lagu dhameyn doono wadahadal, islamarkaana wax walba is-faham iyo sharciga lagu dhameyn doono, oo aana dhici doono dagaal.

Xiisadda Boosaaso ayaa timid kadib markii Deni uu Todobaadkii hore xilka ka qaadey Agaasimihii PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaanno, kaaso kahor-yimid digreetada Madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM