Ra'iisul Wasaaraha iyo Boqoradda Ingiriiska oo ay ka dhex-tafatay

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson ayaa isku diyaarinaya in uu loolan adag la galo Boqoradda UK, sidda ay ku warameyso Sunday Times.

Tani ayaa ka dambeysay markii Queen Elizabeth II la sheegay in ay qorsheyneyso in ay xilka ka qaado wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay London.

Isku dayga Boqoradda ayaa ku aadan in ay meesha ka saarto qorshaha Boris ee ku aadan in uu Britain ka saaro Midowga Yurub marka la gaaro 31-da October.

Johnson ayaa la fahansan yahay in uusan u waaban doonin xataa hadii qorshihiisa Brexit ay kasoo horjeestaan xubnaha Midowga Yurub.

Jaraa'idka oo soo xiganaya illo uu ku kalsoon yahay ayaa ku waramaya in baarlamaanka UK uu qorsheynayo in ay codka kalsoonida kala noqdaan Boris.

Hadii ay hirgasho talabaadaas waxaa ka dhalan doonta in lasoo magacaabo ra’iisul wasaare ku meel gaar ah, kaasi oo bedelaya Boris.

Balse fashil ku yimaadda heshiiska ay UK uga baxeyso Yurub ayaa sidoo kale wuxuu dhabaha u xaari karaa qalalaaso dhanka dastuurka ah.

Johnson ayaa ku adkeysanaya in uu hirgelinayo hamigiisa 31-da October, halka xeer-dejinta ay wacad ku martay in ay ka hortagi doonan go’aan walba.

"Hadii uu ka badbadiyo bawlo ayaan u jari doonaa oo lagu soo xirayo, mana ka bixi doono xafiiskiisa oo boolis aan ugu geyn doono," ayuu yiri mas'uul sarre oo lasoo xigtay.

Sidda ku cad warbixinta, markii ugu dambeysay oo Boqortooyadda Ingiriiska ay xilka ka qaadis ku sameyso ra’iisul wasaare ayaa ahayd sanadka markuu ahaa 1834-tii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM