Ruushka oo ku eedeeyay Ukraine "isku-day dil ka dhan ah Putin"

Image
Ruushka iyo Ukraine ayaa waqti-xaadirkan waxay isku-hayaan furimaha dagaalka iyo jiheynta aragtida dadweynaha.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa waxa uu ku eedeeyay dala Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweyne Vladimir Putin kadib markii ay Kremlin-ka ku weerartay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliye lahayn.

Kremlin-ka ayaa falkan ku qeexay "ficil argagixiso" waxayna sheegeen in militariga Ruushka iyo ciidamada ammaanka ay "naafeeyeen" diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka hor inta aysan howlgalka ku guuleysan.

War lagu soo daabacay bogga Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhaceen barxadda fadhiisinka Aqalka looga taliyo dowladda Ruushka.

War saxaafadeedka oo aan lagu faah faahin waxa sababay burburka diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Kremlin-ka ma aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo lagu xoojinayo hadalkooda, oo ay ku jirto eedeymaha isku-day dil iyadoo Ruushka uu isku diyaarinayo inuu xuso Maalinta Guusha ee sannadlaha ah.

La taliyaha madaxweynaha ee Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa ku dooday in aanay macno samaynayn in la beegsado Kremlin-ka inta lagu jiro dagaalka Ruushku ku hayo dalkiisa.

"Ma weerarno Kremlin-ka sababtoo ah, marka ugu horeysa, ma xalliso dhibaatooyinka militariga. Dhab ahaantii. Tanina aad ayay u liidataa marka loo eego aragtida diyaarinta tillaabooyinkayaga weerarka," ayuu xusay.

Ruushka iyo Ukraine ayaa waqti-xaadirkan waxay isku-hayaan furimaha dagaalka iyo jiheynta aragtida dadweynaha taas oo ka dhalatay duulaanka ay Moscow ku qaadey Kyiv taasoo ay ka dhasheen khasaato baaxad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM