Sacuudiga Carabiya oo dalab ku aadan Suudaan u diray Mareykanka

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay kala shaqeyneyso Suudaan in laga saaro liiska dalalka uu Mareykanka u aqoonsan yahay in ay taageeraan argagixisadda.

Shaaintan ayaa timid markii kulan uu magaaladda Riyadh ku dhexmaray Boqor Bin Salman, hogaamiyaha golaha ku meel gaarka Suudaan iyo ra’iisul wasaaraha dalkaas ee Cabdalla Xamduuk.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya oo bayaan soo saartay kadib shirkaas ayaa xustay in ay ka codsaneyso Mareykanka in uu Suudaan ka saaro liiskaas oo ay ku jirto tan iyo 1993-dii.

Washington ayaa waqtigaas ku eedeysay Khartuum in ay maalgeliso kooxo uu Mareykanka u aqoonsan yahay argagixiso.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa xiligaas xukunka hayey. Balse, Al-Bashiir ayaa xukunka laga afgembiyey bishii April kadib mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacay waddankaas Carbeed.

Cunaqabateynta ayaa Suudaan dhexda u gelisay qalalaaso dhaqaale. Balse in laga qaado ayaa albaabada u fureysa maalgashi.

Dabayaaqadda bishii September, ra’iisul wasaare Xamduuk ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xayiraadda laga qaadi doono wadankiisa, isaga oo xusay in ay wada hadalo kula jiraan Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM