Sadiiq Khan oo lagu cadaadinayo xal u helista dhibaato Soomaalida haysata

Image

LONDON, UK – Duqa magaala madaxda Ingiriiska ee London ayaa wuxuu eedeeyay dowladda dhexe xili cadaadiska isaga ka dhanka ah ee ku saabsan xal u helista dilalka Tooreyda ee soo badanaya.

Inkasta oo Jaaliyadaha kale wajahayaan dhibaatadan, haddana Soomaalida ayaa lagu waramayaa in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameysay mashaqadan.

Falalka oo isugu jira kuwa ay dhexdooda isu geysanayaan iyo ajaaniibta kale ay kula kacayaan ayaa sababtay in waalidiinta qaarkood ay caruurtooda dalka dib ugu soo celiyaan si ay badqab u helaan.

Sadiiq Khan, duqa caasimadda Britain, ayaa waxa uu kulan looga xaajoonayo qaabka loo wajihi karo arrintan wuxuu la yeeshay hogaamiyeyaasha ururada u dooda Soomaalida ee halkaas.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa ka dhacay xaafadda Camden. Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, is-araga oo wax badan lagu faa'qiday ayaa kaliya socday laba daqiiqo.

Isaga oo shirka kasoo baxaya, Sadiiq Khan ayaa si kooban uga warbixiyey shirka, isaga oo rajo ka muujiyey helitaanka xal kama dambeys ah oo waalidiinta u badbaadineysa nolosha caruurtooda.

"Walaaceygu wuxuu yahay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay aan sharaxayo cawaaqib-xumada jiritaanka dowladda, oo arrintan aan waxba kasoo qaadin," ayuu u sheegay wargeyska New Journal.

Sadiq Khan, oo noqday siyaasigii ugu horeeyay ee Muslim ah ee duq ka noqday caasimadda UK, ayaa xafiiska wuxuu joogaa tan iyo sanadkii 2016-kii.

"Waan ku faraxsanahay in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha aan isla garanay in loo baahan kheyraad badan, ma ahan kaliya siyaasad, balse adeegyo u adeegaya dhalinyaradda," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, isaga oo fahfaahinaya waxay yihiin adeegyadda, Sadiiq Khan ayaa waxa uu ku kala sheegay dugsiyo kooxeed iyo xarumaha caafimaad oo lagu daaweeyo cuduradda la xiriira dhanka maskaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM