Shaqsi "kaftan" ku cabsi geliyey rakaab diyaaradeed oo la xukumay
NAIROBI, Kenya – Nin Itoobiyan ah ayaa maxkamad ku taala Kenya waxay Talaadadii ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah kadib markii uu ku kaftamayey in uu bomb saaran yahay duulimaadka Kenyan Airways oo uu la socday.
Faakaheysiga Chifraye Bekele ayaa bishii April dhabaha u xaarey in la joojiyo duulimaadka kusii jeeda Johannesburg, dalka Koonfur Afrika, iyo saddex saacadood oo uu hakad ku yimaadey shaqadda garoonka diyaaradaha Kenya.
Garsoore Christine Njagi ayaa wuxuu ku helay shaqsigan "in uu waxyeeleeyay badqabka diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa, labaduba".
Sidda laga soo xigtay warqadda dacwadda, Bekele ayaa mid kamid ah shaqaalaha diyaaradda iyadda oo u xireysa suunka ku yiri: "Maxaad u baqeysaa? Ma ma u maleynaysaa in ay tahay bomb?"
Durbadiiba, haweenayda ayaa u yeertay howladeenada ay shaqo wadaaga yihiin oo kadib ku wargeliyay duuliyihii diyaaradda, kuwaasi oo aakhiritaankii go’aansaday in ay baadigoobaan bombada.
Intaasi kadib rakaabkii ayaa laga dejiyay diyaaradda, taasi oo dhalisay in gebi ahaanba la baajiyo duulimaadkii.
Bekele oo tan iyo waqtigaasi xabsi ku jiray ayaa xeer-beegtada u sheegay in uusan sameynin wax kaftan ah balse uu kaliya ku hadlayey luqada Amxaariga, uusanna soo qaadin wax Ingiriis ah.
Balse qaadiga garka u geliyay xukunka ayaa tibaaxay in uu xabsi ku qaadan doono afar bilood ama in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan kun ama sideed boqol oo dollar-ka Mareykanka ah. Hadii uusan bixin wuu sii xirnaan doonaa.
Ruuxan ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee talaabo noocaan oo kale ah qaada, hadii aysan gedaashiisa dadku ka waan-toobin sheekooyinkan oo kale.
Sanadkii 2004-kii, gabar reer UK ah ayaa lagu xukumay 15 sano markii ay ku kaftantay bombo, waase lasii daayey markii ay kun dollar ugu deeqday dhibaneyaasha weerarkii daaraha mataanaha ayna soo qorto warqad raali gelin ah.
Mar kale, sanadkii 2013-kii, nin ayaa daqiiqado lagu xiray garoon ku yaala magaaladda New York ee Mareykanka markii isana uu adeegsaday ergayga bombo, balse wuxuu sheegay in uu kala jeeday saxanka loo yaqaano "The Bomb".
GAROWE ONLINE