1200 Qaxooti ka yimid Yamen oo gaarey magaalada Bosaso

Image
Image
Image
Image

BOSASO 26 April,2015 (GO)- Qaxooti gaaraya 1200 qof oo kasoo cararey dagaalada ka socda dalka Yamen ayaa soo gaarey maanta magaalada Bosaso.

Dadkaan oo isugu jiray dumar, caruur, dhalinyaro ayaa sheegey iney kasoo carareen duqeymaha ka socda magaalo madaxda dalka Yamen ee Sanca.

Dadka la socdey doonidaan waxaa ka hortagey saraakiisha gobolka barri iyo kuwa wasaarada caafimaadka kuwasoo noqanaya dufcadii labaad ee ugu badneyd oo soo gaarta Puntland. 

Dowlada Federaalka oo wasiirro ka tirsani saxaafada u sheegeen iney wax ka qabanayaan qaxootiga dalka Somalida ee ka imaanaya Yamen ayaa talaabo ka qaadin dadka ku soo qulqulaya Puntland iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM