13 qof oo ku dhintay qaybo ka mid ah Somaliland

Image

17 September, 2015(GO)-Qaar ka mid ah gobolada Somaliland waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay saamaysay abaaro ka jira gobollada Awdal, Maroodijeex,Gebilay, Salal iyo Saaxil, kuwaas oo saldhig u ahaa dhinaca waxsoosaarka beeraha.

Abaartu waxay saamaysay in ka badan 240,000 qof kuwaasi oo ay haysato Cunto yari iyo nafaqo darro saamaysay curuurta iyo dadka waawayn ee ku nool qaybo ka mid ah Somaliland.

Goobaha abaartu waxyeellaysay ayaa muddo helin xilli roobaadka, waxaana soo baxaysa baaqyo kala duwan oo ay dirayaan Maamulka Somaliland iyo qaar ka mid ah hay'adaha ka hawlgala dhulka abaarta laga soo sheegaya.

War-saxaafadeed ay soo saareen Illaa 19 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo ururo samafal ayaa lagu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano xilligan marayso meel sare, taas oo weliba la filayo inay kor u sii kacdo.

Hay’adaha samafalka waxay tilmaameen in illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 13 caruur iyo waayeel isugu jira, waxaana suurto gal ah in tiradaasi kor u kacdo haddii aan tallaabo la qaadin.

Waxaa sidoo kale jira, cabsi laga qabo in xaaladdu u sii gudbi karto masiibo bini’aadanimo oo horseedi karta waxyeello kale iyo in dad badani u barakacaan.

Maamulka Somaliland ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hay'addaha deeqda bixiya inay wax ka qabtaan dhibka jira oo caawiyaan dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM