​15 katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Galbeedka Kismaayo

Image
Image

KISMAYO, Somalia- Sarkaal kamid ah hay'adda Nabad Sugidda Jubbaland ayaa sheegay in 15 dagaalyahan oo katirsan Kooxda Al Shabaab lagu dilay howlgal ciidamada maamulkaasi ku fuliyeen Galbeedka magaalada Kismaayo.

Axmed Maxa’ed (Carab), oo ah Afhayeenka Nabad Sugidda Jubbaland ayaa xaqjiyay dilka 15-ka Mallayshiyaad, kuwaasi oo uu sheegay inay lagu khaarajiyay dagaal ka dhacay deegaanada Jannaay Cabdalle iyo Beerxaani.

Deegaanada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani, waxay 60KM dhanka Galbeed uga beegan yihiin Kismaayo, waxaana gacanta ku haya Kooxda Al Shabaab, oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland iyo ciidanka KDF.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in howlgalka uu yahay mid sii socon doono inta ay Kooxdaasi ka saari doonaan  gobolka Jubbada Hoose, oo dadka ku nool si qasab ah Geel dhawaan looga dhacay.

Al shabaab ayaa lagu eedeeyay in 1,000 Neef oo Geel ah ay Todobaadkii tagey dabaqaayadiisa ka qaateen shacab xoolo dhaqato ah oo duleedka Kismaayo ku nool, kuwaasi oo Abaarta ka laysay badi duunyadii ay dhaqanayeen.

Si kastaba, Kooxda Al shabaab ayaan wali ka hadal warka kasoo baxaya Jubbaland ee ku aadan dilka 15-ka dagaalyahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM