​2 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Caabud-waaq

Image

CAABUD-WAAQ, Somalia- Xiisad colaadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Caabud-waaq ee bartamaha dalka Somalia, kadib markii ay ku dagaallameen labo mallayshiyo beeleed oo halkaas muddooyinkii dambe isku aruursanayay.

Dagaal maanta degmadaas ka qarxay, ayaa waxaa ku geeriyooday labo qof, halka dhawacu gaarayo in kabadan 10 ruux.

Isku dhaca labada mallayshiyo, ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro aanooyin qabiil iyo dilal maalmahan ka dhacay degmada Caabud-waaq iyo deegaano hoos yimaada.

Is-rasaasayn xoog leh oo magaalada laga dhex maqlayay ayaa haatan is-taagtay, balse waxaa wali taagan xiisadda.

Ganacsiga iyo isu socodka bulshada, ayaa hakad ku jiray mudadii uu dagaalku socday.

Majirto cid kala dhex gashay, dagaalka ayaana iskiis u istaagay.

Waxgaradka Caabud-waaq ayaa ku howlan sidii colaaddaas loo damin lahaa, waxayna baaqyo nabadeed u direen dhinacyadii dagaallamay.

Ilaa hadda arrintaas kama hadlin dowladda Somalia ee waqtigeedu dhammaday.

Caabud-waaq ayaa muddooyinkii dambe, waxaa ragaadiyay colaado salka ku hayaa dhinaca qabaa'ilka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM