Muqdishu: Shaqaale ka tirsan Qarmada Midoobay oo lagu dilay weerar gaari

Image

14 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu ayaa sheeegaya inay dhinteen labo ruux kadib weerar gaari oo lagula eegtay wadada Maka Al-Mukarama.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa haweenay lagu magacaabo Aamino Nuur Maxamed kana tirsanayd hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo marxuum Cabdirasaaq Aadan Caddaawe oo la socday haweenaydaasi.

Dilka, waxaa gaystay Koox la socotay gaari nooca raaxada, waxayna rasaas ooda uga qaaday dadka dhintay. Wararka ayaa intaas ku daraya dhacdada ka hor in gaari lagu horgooyay shakhsiyaadka dhintay.

Ilaa hadda ma jirto faah faahin dheeri ah oo ka soo baxay weerarkaasi. Goobta waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga, waxayna baaritaano ka wadaan goobta dilku ka dhacay.

Lama garanayo shakhsiyaadka la dilay iyo sababta loo dilay. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM