20 qof oo ku geeriyoodey dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan

Image

January 21, 2015 (GO)- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal goos goos ahaa oo 48dii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay miyiga tuulada Deefow ee gobolka Hiiraan.

Dagaalku wuxuu dhex maray labo mileeshiyo oo ka kala tirsan beelo halkaas wada dega kuwaasoo isku haysta dhul beereed lahaanshihiisa lagu muransan yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan labadii mileeshiyo ee dagaalku dhex maray.

Dhanka kale, waxgarad iyo odayaal labada dhinac ah ayaa gaarey goobihii shalay lagu dagaalamay si ay xaalada u qaboojiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee Deefow iyo deegaanada ku xeeran naga soo gaarey ayaa sheegaya in xaaladu maanta degen tahay, balse waxaa jirta saan saan colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in dib mar kale halkaas dagaalo uga dhacaan.

Saddex bilood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale labada beelood halkaas ugu dagaalameen inkastoo markii dambe heshiis laga gaarey, balse colaadda ayaa dib mar kale usoo cusboonaatey shalay oo Talaado ahayd.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM