200 qof oo ku dhimatey Badda u dhexeeya Libiya iyo Talyaaniga

Image

Ugu yaraan 200 qof ayaa la rumeysan yahay in Badda liqdey kadib markii 2 doonyood kula dageen xeebaha ku dhow dalka Libiya, sidaas waxaa yiri sarkaal u hadlay waaxda socdaalka.

Hay'ada qaxootiga aduunka UNHCR ayaa loo sheegey in dadkii ka badbaadey doonyahaas dagey la keeney jasiirada ku taal dalka Talyaaniga Lampedusa.

12 qof maydkooda ayaa la keeney sidoo ka Jasiiradaas. 

4200 dad muhaajiriin qaxooti ah ayaa dhintey sanadkaan gudihiisa kuwaasoo kasoo gudbayey Badda Mediterranean ee u dhexeysa dalka Libiya iyo Talyaaniga.

Hay'ada Qaxootiga aduunka ayaa ka digtey sanadkii 2016 in dadka muhaajiriinta ah kordhayaan iyadoo dad gaaraya 330000 qof ka gudbeen Badda sanadkaan marka loo eego 2015 oo qaxooti kor u dhaafaya Hal Milyan qaxooti ah galeen dalalka Yurub.

Saraakiisha hay'ada qaxootiga aduunka ayaa saxaafada u sheegey dadka ku dhintey shil badeedka ugu dambeeyey ay ku jireen caruur iyo dumar xaamilo ahaa halka kuwo kale la badbaadiyey.

Dadka qaxootiga ah ee ku dhintey doonyaha ugu dambeeyey ee dagey ayaa u badnaa dalalka Galbeedka Africa.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM