​5 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Juungal, gobolka Gedo

Image

BAARDHEERE, Somalia- Saddex katirsanaa malleeshiyada Al shabaab ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada dowladda Somalia ku qaadeen deegaan ay maamuli jireen oo ku yaallo duleedka degamada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Juungal, oo ku dhaw magaalada Baardheere, waxaana dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidanka dowladda sababay khasaaro kala duwan.

Sarkaal ciidan oo ku sugan Baardheere, ayaa Garowe Online u sheegay in dagaalka lagu dilay 3 dagaalyahan oo kamid ahaa Al shabaab iyo labo askari oo katirsanaa militariga dowladda Soomaaliya.

Dagaal dhiig ku daatay kadib, ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Juungaal, oo la sheegay in Al shabaab kasoo qaadi jireen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baardheere.

Al Shabaab kama aysan hadlin weerarka lagu qaadey saldhigeeda iyo maleeshiyaadka laga dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM