Shuban biyood ka dilaacey degmada Cabuudwaaq

Image
Image
Image
Image

15 November, 2015(GO)-Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa ka dillaacay shuban biyood soo ritay 60 ruux, kuwaasi oo la dhigay cusbitalka degmadaasi.

Mas'uuliyiin ka socda maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta booqday goob caafimaad oo la dhigay dadka xanuunkan soo riday,  kuwaasi oo u badnaa carruur.

Kiiskan ayaa sare u kacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana xaaladooda la sheegay in dhallaanka qaybtii adagtahay iyadoo maamulka degmadaasi wadaan dadaallo lagu soo afjarayo cudurkan.

Ma jirto cid u dhimatay oo mas'uuliyiinta caafimaadka u xaqiijiyeen warbaahinta balse qaybtood bukaanka ayaa xaaladoodu liidataa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM