​8 qof oo ku dhimatay Dagaal ka dhacay Galgaduud

Image

BALANBAL, Somalia- Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena way ku dhaawacantay Dagaalka Culus, oo u dhaxeeya Labo Malleeshiyo Beeleed, kuwaasoo ku diriray qeybo katirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka wuxuu ka dhacay inta u dhaxaysa Degmooyinka Xeraale iyo Balanbal, waxaana wararku sheegayaan in Dagaalka uu sababay Barakac xooggan, oo dadka deegaanka ay sameeyeen.

Aano qabiil iyo muran ka dhasha Dhul-daaqsimeed, ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo Dagaalka ka socdo gobolka Galgaduud, gaar ahaan duleedka degmada Balanbal.

Deegaanada uu Dagaalka ka socdo waxaa maamul ahaan ay hoostagaan Ahlu Sunna.

Warar Warsidaha Garowe Online ka helay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegaya in wali dagaalka uu ka socdo Goobihii Shalay uu ka dhacay, mana jirto wax waan-waan ah oo ay samayanayaan Odayaasha Deegaanka iyo Ahlu Sunna si loo joojiyo colaaddaas.

Gobolka Galgaduud oo ay gacmo badan maamulaan, ayaa kamid ah Gobollada ay inta badan ka dhacaan Dagaal Beeleedyo soo noq-noqday, oo salka ku haya aanooyin qabiil iyo muran dhuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM