​9 Caruur ah oo shuban-biyood ugu geeriyooday degmada Jalalaqsi

Image

JALALAQSI, Somalia- Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in caaruur gaaraysa 9 ilmood, ay 48-dii saac ee lasoo dhaafay cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyoodeen degmadaasi.

Gudoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, ayaa sheegay in 50 Kale oo carruur da'doodu ka yartahay 5 sano ay la ildaran yihiin xanuunka, kuwaasi oo hadda lagu dawaynayo Isbitaalka degmada.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in degmadiisa aysan haysan Dawooyin ku filan, oo wax looga qabto xaaladaha shuban biyoodka ee soo ritay carruurta ku nool degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 23 qof ayaa Shubanka ugu dhimatay degmadaasi Maalmihii ugu dambeeyay, waxaana uu intaasi ku daray inay sii kordhayso Kiisaska dadka uu soo ridayo xanuunka.

Shuban Biyoodka ayaa faro ba'an ku hayo caruurta ku nool Koonfurta Somalia, kaasi oo loo sababeeyay Xilliga oo Kuleylo ah iyo Biyo Nadiif ah oo dadka aan haysan, kadib markii Webiga biyo yareeyay.

In ka badan 51 ruux oo isagu jiro Carruur iyo dad waaweyn ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hay'adaha Samafalka ayaa intooda badan isaga baxay dalka, markii Al shabaab ay qabsatay goobihii ay ka howlgalayeen, waxaana taasi keentay in Isbitaaladii ay gacanta ku hayeen shaqada joojiyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM