Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Image

BAYDHABO - Aadan Madoobe, hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Villa Somalia xoogga kursiga ku geysay, ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, kuwaasoo kala hadlay xaaladda amni ee magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii looga hortagi lahaa weerarro ay fuliyaan ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray amniga Baydhabo iyo iskaashiga dhinacyada amniga, iyadoo laga hadlay tallaabooyinka looga hortagayo weerarro ay ciidamada Lafta-gareen ku qaadaan magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Aadan Madoobe ayaa bishii Maarso ee sanadkan xoog ku qabsaday hoggaanka Koonfur Galbeed, kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ee waqtigeedu dhamaaday iyo kuwa taageersan ay galeen Baydhabo, taasoo keentay in Lafta-gareen uu xilka ka baxo, isla markaana uu ka dhoofo magaalada.

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay diideen qeyb inay ka noqdaan dagaal labo garab oo siyaasadda Koonfur Galbeed isku haya inay qeyb ka noqdaan, maadaama mas'uuliyadoodu tahay dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles