Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aadan Madoobe ayaa Maanta oo Khamiis ah u ambabaxay dalka Algeria xili laga keenay Mooshin kalsooni-kala-noqosho ah oo ay saxiixeen in ka badan 100 Xildhibaan, kuwaasoo kahor-yimid tallaabadan xasaanadda looga qaadey Xildhibaan Abiib.

Aadan Madoobe ayaa uga qeybgalaya Algeria shirka Afhayeenada Baarlamaanada Carabta, isagoo inta uu maqan yahay Xildhibaanada aysan kulmi doonin, maadaama laga cabsi qabo inay u codeeyaan Mooshinka xilka looga qaadayo Gudoomiyaha, oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay shuruuxda Gollaha.

Gudoomiyaha ayaa aad ugu milmay siyaasadda Villa Somalia, isagoo noqday fuliyaha sharciyadda danaha madaxda sare u adeegaya, sida heshiiskii Shidaalka Turkiga, oo iyadoo la tusin Xildhibaanada, oo akhrin si xoog ah lagu ansixiyay, iyadoo hadda soo baxday fadeexad ah in 90% dakhliga loo saxiixay Ankara.

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha, waxaana xaaladda ka taagan Baarlamaanka sii hurinaysaa mushkiladaha ka taagan dalka, oo xukuumadda dhanka siyaasadda iyo amniga ku guul-dareysatay.

Qorshaha Villa Somalia ee kursiga looga xayuubinayo Xildhibaan Abiib ayaa fashilmay, iyadoo Aadan Madoobe Maalin kahor soo saarey qoraal uu ku shaaciyay inuu ka laabtay go'aankiisii hore, maadaama uu dhaliyay Mooshinka isaga xilka looga qaadayo.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM