Abiy Axmed oo ku wajahan Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Xasan Sheekh
MOGADISHU, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa la filayaa inuu booqdo Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan Addis Ababa kasoo laabtay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Villa Somalia.
Booqashadan, ayaa ka dambeysa wadahadalladii gudiyadda farsamo ay dhawaan Turkiga ku yeesheen, iyadoo labada dal ay ka shaqeynayaan dhammeystirka qodobadii lagu heshiiyey ee ku xusan heshiiskii Ankara, ee uu dhex-dhexaadiyey Madaxweynaha Turkiya, Recep Tayyip Erdogan, bishii Diseembar 2024.
Waa markii 3aad oo Xasan Sheekh la kulmaya Abiy Axmed tan iyo bishii hore oo isaga booqday Addis Ababa.
Booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho, ayaa astaan u ah isbeddel muhiim ah oo ku yimid xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, oo xumaaday kadib heshiiskii Itoobiya ee ku rabtay inay ku hesho 20KM oo badda Soomaaliya kamid ah, oo ku yaalla maamulka Somaliland.
Itoobiya ayaa isku dayday inay hesho marin badeed, balse ay markii horey u martay jid qaldan oo ahaa inay ka raadiso Somaliland, oo heshiiskii ay lagashay si xooggan loogu cambaareeyay, islamarkaanasababay xiisada gobolka Geeska Africa. Wuxuu khalkhal geliyay xasilloonida gobolka, iyadoo ay hadda Itoobiya ka laabatay.
Heshiiska Ankara ayaa horseeday in Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyaan inay xalliyaan khilaafkooda iyagoo ku saleynaya wadahadal iyo ixtiraam wadajir ah. Itoobiya, oo ah dal aan badda lahayn oo ka kooban dadkiisa in ka badan 120 milyan oo qof, ayaa wadahadal kula jirta hadda dowladda Soomaaliya si ay u hesho dekad ay isticmaasho.
Afhayeenka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ay muujinayso go’aanka labada dal ee ku aaddan "xoojinta xiriirka labada dhinac iyo horumarinta danaha wadajirka ah." Saraakiisha Soomaaliya ayaa sidoo kale taageeray aragtidan, iyagoo tilmaamay in wadahadalladu ay dhisayaan xiriirro diblomaasiyadeed oo cusub, oo ay ku jiraan booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa bishii Janaayo iyo safarka Wasiirka Difaaca Itoobiya ee Muqdisho bishan.
Ajendaha booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxaa ku jira wadahadallo ku saabsan doorka Itoobiya ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ee loo yaqaan AUSSOM, kaasoo beddelaya hawlgalka ATMIS. Soomaaliya ayaa hore u hanjabisay inay eryi doonto ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa dalka sababo la xiriira heshiiskii badda ee Somaliland, laakiin heshiiska Ankara ayaa albaabada u furay sii wadidda xiriirka, inkastoo ay tahay inay ku shaqeeyaan shuruudo la isla oggol yahay.
GAROWE ONLINE