Addis Ababa: Madaxweynaha Somalia ka qeybgalaya shir caalami ah

Image
Image

Addis Ababa, 12 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee dhinaca maalgashiga mashaariicda horumarinta.

Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iyo in laga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin dollar oo wax looga qaban karey yareynta fakhriga.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka sokow waxaa kale oo uu ka qeybgeli doonaa shir sare oo gaar ah oo madaxda waddamada ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan nidaaminta iyo la socodka xawaaladaha.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbado ka jeediyo shirarkan.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan caalamiga ah ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa.

--DHAMMAAD—

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM